“Hal Milyan In Ka Badan Ayaa Macaluuli Iyo Gaajo Soo Wajahday Xukuumaduna Madaxtooyo Cusub Ayay Dhisanaysaa..” .Guddoomiye Ciro
February 6, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka somaliland oo la sheegayo in hal milyan in ka badani ay soo wajahday gaajo iyo macaluuli in xukuumada iyo madaxwayne biixiba ku mashquulsan yihiin dhisida Madaxtooyo Cusub.
Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in lacagta ku baxaysay Madaxtooyadda cusub aanay cidna garanayn inta ay tahay iyo xaga laga keenay,waxaana uu sheegay inaanay somaliland wakhtigan mudnaan u ahayn in madaxtooyo loo dhiso.