Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Ardayda Dugsiyada Hoose Dhexe U Qaybiyey In Ka Badan Hal Milyan oo Buug oo Bilaash Ah (SAWIRRO)
February 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gacantiisa ku qaybiyey Buugaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo lacag la’aan ah, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey ardayda wax ka barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa saaka qaybinta Buugaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay 1,200,000 (Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan arday tiradoodu dhan tahay 153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday, waxa uu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.