Xeer-ilaalinta Somaliland Oo Ka Biyo-Diidday Eedda Booliska Ee Abwaan Cabdiraxmaan Abees,
February 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xafiiska Xeerilaalinta ayaa booliska ku celiyay gun-gaadhkii ay boolisku ka soo gudbiyeen kiiska Abwaan Cabdiraxmaan Abees.. Kaas oo ay boolisku keeneen 27kii Jan 2019. Waxaanay Xeerilaalintu sheegeen in aanay baadhista booliska ku jirin, wax eed noqon kara oo maxkamadda lagu hor geeyo Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Muddo 24 cisho ayuu abwaanku xidhan yahay, illaa haddana waxa hafarkiisa kolba wax soo qorqoraya laanta dembi-baadhista ee C.I.D. Waxaase gaashaanka u daruuray xeer-ilaalinta oo masuul ka ah dacwad-oogista.
Waxa muuqata in boolisku ku fashilmay wanjalkii ay dhoodhoobayeen. Illaa hadda lama garanayo xilliga rasmiga ah ee boolisku soo gudbinayo.