Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Xadhigiisa Iyo Maxkamadeyntiisa
February 7, 2019 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xdhigiisa iyo maxkamadaha marar badan lasoo taagay.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad.
