Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Waddada Isku Xidha Hargeysa Iyo Kala-Baydh Oo Dib U Dhis Lagu Sameyaanyo”Daawo Muuqal Iyo Sawiraba
February 7, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhis iyo Balaadhin lagu samayn doono waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo dherarkeedu dhan yahay 60KM, taas oo dayactir iyo ballaadhin lagu samayn doono.
Munaasibadda dhagax-dhigga waddadan oo ay ka qaybgaleen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, Engineer-radda gacanta ku haya wadda, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya qorshaha xukuumadda ee ku aaddan inuu qaranku yeesho waddooyin casri ah oo tayo leh, kuwaas oo gaadiidku si nabadgelyo ah ku mari karo.