Nin Labadiisa Waalid Ku Dacweeyay Sababtii Ay Ifka U Keeneen Ee Ay Dhaleen
February 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hindiya u dhashay ayaa qorsheynaya in uu maxkamad geeyo labadiisa waalid, sababtuna waxa ay tahay in aannu isaga ogolaansho waydiinin markii ay dhalayeen.
Waa ganacsade ku nool magaalada Mumbai, magaciisuna yahay Raphael Samuel, waxa uu BBC-da u sheegay in ay qalad tahay in ilmo adduunka la keeno, kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto.
Waa uu fahamsanyahay in aannu suurtogal ahayn in aanan aragti la waydiin karin qof aanan adduunka imaanin, balse waxa uu ku adkaysanayaa “go’aankeena ma ahan in aan dhalano”.