Qaramada Midoobey Oo Sheegtay In Sucuudigu Is Hor Taagay Badhitaan Lagu Wadey Dilkii Wariye Khaashuqji
February 8, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Sacuudi Carabiya ayaa “si xad dhaaf ah waxa ay u xannibtay una wiiqday” awooddii Turkiga uu ku baadhi lahaa dilka Jamaal Khaashuqji, khabiir Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa sidaasi sheegtay.
Warbixin hordhac ah oo ku saabsan baadhitaanka ayaa waxa ay sheegaysaa in Turkiga aanan loo ogolaan inuu galo qunsuliyadda muddo 13 cisho ah halkaas oo ah goobta lagu dilay weriyaha.
Khaashuqji ayaa markii ugu dambaysay ee la arko isagoo nool waxa uu galayay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2 bishii Oktoobar ee kal hore.