“Budhcad Ahaan Ayaanu Ula Macaamili Kalluumaysatada Shiinaha Iyo Cid Kasta Oo Lagu Qabto Xeebta Somaliland”Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Xasan Gaafaadhi
February 9, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay xeebaha dalka iman karin 27 Markab oo Shiine ah oo dawladda a fadhiidka ah ee Soomaaliya ay siisay ruqsado Kalluumaysi.
Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa Arrimaha Afrika, oo maanta daabacday Xukuumadda Somaliland oo mowqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto xudduudaheeda.