Dalka Marooko Oo Ka Baxay Xulafada Sucuudigu Hogaamiyo Ee Dagaaladda Ka Wada Dalka Yemen
February 9, 2019 - Written by Berbera Today
Marooko(Berberatoday.com)-Dalka Marooko ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxay isbahaysiga Militariy ee uu hogaamiyo dalka Sucuudigu, kuwaas oo dagaalo ka wadan wadanka Yemen , sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Marooko oo u waramaayey wakaaladda wararka ee AP.
Sidoo kale dawlada Marooko waxa ay u yeedhay Safiirkeedii u fadhiyey wadankaasi Sucuudiga caasimadiisa Riyaad , iyada oo dhanka kalena diiday in ay ka qayb gasho shir ay isugu imanayeen Golaha Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibada ee dawladdaha xulafada ku ah dagaalka dalka Yemen .