berberatoday.com
“Dacwaddii Dhegaysiga Ee Foore Hadaanan Joogi Lahayn Waxa Uu Sheegayo Garsoorahu Waan Rumeysan Lahaa”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
February 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka fal celiyay hadalkii shalay ka soo yeedhay garsoorihii xukunka xadhiga ah iyo ganaaxa lacageed ku riday Wargeyska Foore iyo masuuliyiintiisa oo shalay mar uu warbaahinta la hadlaayay sheegay inaanu Jamaal Dacwada dhagaysigeeda waxba kala soconin oo maalintii udanbaysay uu yimi.

Waxaanu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sheegay inanay gal dacwadeedka iyo dhagaysiga dacwada ku jirin eedihii faraha badnaa ee shalay uu warbaahinta ka sheegay Axmed dalmar ismaaciil oo ah garsoorihii dacwadaas qaadaayay xukunkana ka soo saaray.

Jamaal Cali Xuseen oo arinkaas ka jawaabaya dacwadii uu dhagaysigeeda ka qeyb galayna sida ahayd sharaxa ayaa qoraalka bartiisa Facebooka soo dhigay waxaanu yidhi”

Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cad keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob:
1. Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya.

2. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin in list dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqaneeynin. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanaka yaa cadiim.

Halkan Ka Daawo Muuqalka Garsoore Axmed Dalmar ismaaciil Oo Dacwada Ka Hadlaya

 

 

 

 

Jamal Ali Hussein

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews