berberatoday.com
Somaliland: Wasiir Guddi Xaqiiqo-raadin Ah U Diraysa In Carruur Ku Mudaharaaday Xafiiskeedu Gaadheen De’dii Xadhigga, Ka Dib Xukun Maxkamadi Ku Ridday
February 12, 2019 - Written by Berbera Today

Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo sheegtay in aanay filayn in Bahda Garsoorku ay Caddaalad-darro kula kaceen Derbi-jiifkii Wasaaraddeeda Cabashada la hor-tagay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), ayaa sheegtay inay Guddi xaqiiqo-raadin ah dirayaan, si ay u soo hubiyaan inay Xilligii Xadhigga gaadheen illaa 20 dhallinyar derbi-jiif ah oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex xukun ku ridday, ka dib markii ay Mudaharaad la hor-tageen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo Shalay hadal ka jeedisay Munaasibad Wasaaraddeedu ku qabatay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in dhallinyarada Derbi-jiifka ah ee la xukumay aanay bahda Garsoorku wax caddaalad-darro ah kula kicin, laakiin ay Wasaarad ahaan Guddi Xaqiiqo-raadin ah u dirayaan Xabsiga ay dhallinyaradaasi ku jiraan, si bay tidhi ay u soo hubiyaan in Dhallinyarada la xukumay ay gaadheen de’dii la xidhayey ee jeelasha ku jirayey, taasna u samaynayaan inay Bulshada Qanciyaan, inkasta oo bay tidhi Masuuliyiin ahaan ay ku kalsoon yihiin Bahda Garsoorka ee Maxkamadda xukuntay dhallinyaradu ka mid tahay.

Wasiir Hinda Gaani oo ugu horreyn iska difaacaysa eedaymo loogu jeediyey Xadhigga dhallinyarrada ku Mudaharaaday Wasaaraddeeda ee Maxkamaddu xukuntay ayaa tidhi “Dad baa Wasaaradda ku dhaleecaynayey oo lahaa way ku tacadiday oo qabqabatay, Bahda Garsoorka waxa loo doortay inay Caddaalad samayso, markaa ma rumaysan karno bahdii Garsoorka ee Cadaaladda Qaranka loo doortay ayaa Derbi-jiif ku tacadiyey oo Caddaalad bay ka waayeen (Derbi-jiif), Dad kalena way uga fadhiyaan (Caddaalad), taasi suurto-gal maaha.”

Wasiir Hinda oo hadalkeeda sii wadata ayaa iyadoo soo xiganaysa Maxkamadda xukuntay Dhallinyarrada Derbi-jiifka ah waxay tidhi  “Maxkamaddu waxay tidhi waa Dad qaadhaan-gaadh ah oo gaadhay Da’dii ay Xadhigga ku galayeen (Derbi-jiifka), markaa Annagu Annaga oo Derbi-jifka dartii u hadlayna inaanu soo eegno dhallinyaradii halkaa laga qab-qabtay oo ay Guddigaasi Xaqiiqo ka keento in Xadhiggoodu yahay mid dhab ah oo de’doodu ma tahay (Xilligii lagu xidhayey)..” ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay “Annagu waanu ku kalsoonahay Garsoorka, laakiin waxaanu raalli-gelinaynaa Bulshada oo aanu u xaqiijino in Maxkamaddu aanay Caddaalad-darro waxba ku xukumin. Markaa Guddigaa waxa nagala qayb-qaadan doona daneeyayaasha Carruurta, bahda Cadaaladda, Wasaaradduna way ku hoggaamin doontaa, waxaanu eegi doonaa ma heleen waxay Xabsiga uga baahnaayeen ee ay xaqa ugu lahaayeen Xabsiga, wixii xukunkoodu sax noqdo waxaanu u samayn doonaa Waxbarasho, mid Gacmeed iyo Mid Afeedba iyo Qur’aanba, si ay Xabsiga uga soo baxaan iyagoo Caafimaad qaba oo ka qoomamaynaya wixii ay galeen, diyaarna u ah inay noloshooda dib ugu bilaabaan.”

Dhallinyarada Derbi-jiifka ah ee Maxkamaddu xukuntay isla-markaana ay ka hadlayso Wasiir Hinda, ayaa waxa Ciidammada Boolisku xidh-xidheen ka dib markii ay Mudaharaad la hor-tageen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Wasiir Hinda masuulka ka tahay, aakhirkiina waxa xukun xadhig ah ku ridday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews