Weriye Aan Gacmaha Dhaqan Muddo 10 Sano Ah Iyo Sababta
February 12, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Weriye ka tirsa telefishinka Fox News ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Pete Hegseth ayaa xilli uu barnaamij tebiyay sheegay in muddo toban sano ah aanu gacmihiisa dhaqin, maadaama “jeermiska aanu ahayn wax dhab ah”.
Hegseth oo ka hadlayay barnaamijka Fox and Friends ayaa sheegay in noolaha ilmaha aragtada ah aanu wax jira ahayn maadaama aan si caadi ah loo arki karin.