berberatoday.com
81 Jir Kursi Lagu Riixayo Oo Markii 5 Aad U Tartamaya Xil Madaxweyne.
February 13, 2019 - Written by Berbera Today

Aljeris(Berberatoday.com)-Xisbiga Xoreynta Dalka ee dalka Aljeeriya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalkaasi C/casiis Butafliqa uu markii shanaad u tartami doono doorashada Madaxweynaha dalka Aljeria taas oo dhici doonta bisha April.

Xisbiga talada haya ee dalka Aljeeriya ayaa arrintan u dhawaaqay xaflad ka dhacday xarunta xisbiga ee magaalada Aljeris, iyadoo shaki weyn laga qabay markii horeba in uu mar kale doorasho isu soo taagayo madaxweynaha 81 sano jirka ah ee xaaladiisa caafimaad ay aad ka u liidato.

C/casiis Butafliiqa ayaa Aljeeriya ka soo talinayey ilaa sanadkii 1999-kii, wuxuuna dalkaasi ka saaray xaalad amni darro ka dib kacdoonkii islaamiyiinta, laakiin waxaa la doortay 4 jeer, iyadoo sanadkii 2013 uu ku dhacay dhiig furan keenay inuu socon waayo, isagoo lagu wado Kursiga dadka naafada ah.

Wixii ka danbeeyay 2013 madaxweynaha mar shanaad is sharxayaa laguma arkin goobaha fagaarayaasha ah, wuxuuna soo muuqdaa marar dhif ah oo keliya, isagoo xaaladiisu tahay mid caafimaad ahaan liidata, hadalkuna aanu si fiican u karin ,

Hase ahaatee waa mid laga rabo inuu musharaxnimadiisa isagu ku dhawaaqo sida uu qorayo sharciga dalkaasi, laakiin waxaa la filayaa inuu qoraalkiisa akhriyo afhayeen uu wakiilanayo

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews