berberatoday.com
“Anigu La Yaabi Maayo Ragga Xukuumaddii Hore Ee Kulmiye Ka Tirsanaa Ee Muqdisho Ka Hilaacay, Waayo Maaha….”Cali Guray.
February 13, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamida xubnaha sar sare ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay sida uu arko siyaasiyiin reer Somaliland oo muqdisho tagay kuwaasi oo xilal wasiirnimo ah kasoo qabtay xukuumada kulmiye ee Axmed Siilaanyo.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal kooban oo uu kaga hadlayo Arinta siyaasiyiinta ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Siyaasiga Maantu Waa Ninkii Xabsiga Jigjiga lagu xidhay ee Jimcihiina maxaabiista muslinka ah la qadeeyay Axaddiina kuwa Kiristanka ah ee la yidhi “waar adigu diinteed haystaa?” ee yidhi HADBA DIINTII HILIB LEH.

Anigu la yaabi maayo ragga xukuumaddii hore ee Kulmiye ka tirsanaa ee Muqdisho ka hilaacay waayo maaha kuwii ugu horeeyay. Tan kale waxa laga yaabaa inay ka mid ahaayeen xildoonada uga yimaada qurbaha inay xilal ka qabtaan Somaliland ee ka helay maanta waxay arkayaan in Siyaasiyiintii dalka oo dhan muxaafid iyo mucaarad aanay xukuumaddan meeli uga banaanayn.

Sidaa daraadeed hadii Muqdisho looga gacan haadiyay iyaga ayay khusaysaa waana suurtogal inay yihiin kuwii ugu horeeyay laakiin aanay noqon doonin kuwii ugu dambeeyay sida aan filayo marka aan xaaladda Hargeysa iyo Somaliland ee maanta eego.

 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews