Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan Oo Kacbada Ku Sameeyey Wax Aan Lagu Sameyn 14 Qarni + [ Sawiro ]
February 13, 2019 - Written by Berbera Today
Makka(Berberatoday.com)-Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan.
Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo.