berberatoday.com
“Jamaal Cali Xuseen Wuxu Sheegay In Kiiska Dhabta Ah Ee Lagu Soo Ogay Wargeyska Foore Uu Dhageysigiisii Ka Qaybgalay Aanu Kamid Aheyn Liiska Kiisaska Uu Garsoore Dalmar Shirka Jaraaid Ka Sheegay,Anaga Taas Mid Kadaran ayaa Nagu Dhacday”Yuusuf Cabdi Gaboobe
February 13, 2019 - Written by Berbera Today

Jamaal Cali Xuseen wuxu sheegay in kiiska dhabta ah ee lagu soo ogay wargeyska Foore ee uu dhageysigiisii ka qaybgalay aanu ka mid aheyn liiska kiisaska uu garsoore Dalmar shirka jaraaid ka sheegay in wargeyska Foore galay.
Jamaalow taa mid ka daran ayaa nagu dhacday oo dacwad aanu xukuumadda kaga doonaynay magdhaw(damages) inay ka bixiso askarta sharci darada ku haysatay xaruntaydi ganacsi ee Haatuf Media Network ee soo saari jirtay 3 wargeys mudada 5 sanadood ah ,garsoore Dalmar wuxu 3 sanadood na meermeeriyaba maalin dhawyd soo saaray xukun aan khusaynin dacwadaydii aanu ku doodaynay in aanu xaq u leenahay magdhaw taasoo aanu u cuskanay in aanu jirin amar maxkamadeed oo bilayska u fasaxayey inay xaruntayada haystaan sidaas darteed ay sharci darro ku joogeen.
Sidaa u Jamaal sheegay Garsoore Dalmar wuxu u dhaqmaa sidii oo uu yahay xeerilaaliye(prosecutor).Ma jiro kiis uu qaaday oo dawladdu muduci ka aheyd Saxaafadduna muduci calee oo aanu dawladda u xukumin, sidaasna waxa kaga raali ah Chief Justice-ka .
Waa kan warsaxaafadeedkii ku saabsanaa dacwadda Haatuf ee uu Dalmar kasoo saaray xukunka aan khusayn kuna sheegay in aanan dawladda magdhaw ku laheyn:19/01/2019

Go’aan Uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Soo Saaray Oo Uu Ku Durrayo Magdhawgii Shirkadda Haatuf Media Network

“Ugu horayn go’aankan kasoo baxay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee ku taariikhaysan 16/01/2019, waa mid aan ka jawaabayn kana turjumaynin dacwadii magdhawga ahayd ee ay Shirkadda Haatuf Media Network ka furatay Maxkamadda.
Dacwadda aanu furanay waxay ku saabsanayd Ciidanka Bilayska ee xooga ku qabsaday xaruntii soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyagoo aan u haysanin amar maxkamadeed.
Qabsashadaasna waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo maad iyo macnawi iskugu jira.
Dacwadda aanu furanay waxa uu ahaa khasaarihii ka dhashay xoog ku haysashada meherad iyo hanti gaar ah oo haatan ay ciidamadaasi dul fadhiyeen mudo 5 sanadood ku dhawaad ah.
Hadaba garsooruhu wuxuu majaro-habaabiyey cadaaladii iyo wixii ay dacwadu ku saabsanayd oo uu meel kale oo aanay dacwadu ku saabsanayn ula kacay. Maxaa yeelay, waxa uu ka hadlay xukunkii ciqaabta ahaa ee guddoomiyaha shirkadda Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige ( bishii June 2014) lagu xidhay ka dibna qoraal amar Madaxwayne lagu sii daayey.
Xukunkaasi isagu halkaas ayuu ahaa. Balse dacwadayadu xukunkaasi lamay xidhiidhaynin ee waxay la xiidhiidhaysay xukun amar ah oo ka horeeyey oo isla garsoore Axmed Dalmar soo saaray 07/04/2014, isagoo xayiraad saaray in aanu Wargeyska Haatuf soo bixi karin, iyadoo xayiraadaasi lagu socodsiiyey dhamaan madbacadaha dalku inaanay soo saari karin wargeyskaa oo kaliya. Xukunkaasi waxa kale oo uu xambaarsanaa ruqsad-laalis wargeyska ah. Balse marna muu dhigaynin in ciidanku xoog ku qabsado xaruntayada ganacsi.
Dacwadayada magdhawga ahayd waxay ku saabsanayd qabsashadaasi aanay jirin maxkamad amartay ee ciidankaasi ku haysteen xafiisyadayadii isla markaana khasaaraha laxaadka leh naga soo gaadhay.
Markaa guddoomiyaha maxkamadda gobolku wuxuu gadhka isku galiyey laba dacwadood oo kala duwan oo aan shaqo isku lahayn, iyadoo aanu u aragno in aqoon darro xaga sharciga ahina ka muuqato go’aankaas, maadaama oo dacwad meesha aan oolin uu soo galiyey.
Eeg:- Qaraarka Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex 7/4/2014 meel qudha kagama qorna in ciidanku qabsado oo uu mudo shan sano ku dhawaad ah dul-fadhiyo. Xitaa markii qabsashadaasi aanu dacwad ka furanay, garsoorihii u horeeyey ee xarunta booqday ciidankaasi way u diideen inuu xarunta gudaha u gallo, waxaana dhacdadaasi laga daawaday Telefishanada dalka. Ka dib garsoorahaasi cabsi awgeed ayuu dacwadii iskaga wareejiyey. Aakhirkii galkii dacwadan waxa gacanta ku dhigay guddoomiye Dalmar, waxaana dhacday in isaga laftigiisu maalintii uu goobtaas noo raacay ay ciidanku u diideen inuu gallo xarunta Haatuf Media Network, ilaa taliyaha qaybtu goobta noogu yimid sidaasna aanu ku galnay.
Hadaba qofkasta oo caqli lihi wuxuu garankaraa khasaaraha baaxada leh ee na soo gaadhay, laakiinse waxa muuqata in garsoore Axmed Dalmar uu ka habraday inuu cadaalada u hiiliyo”.

Afhayeenka Haatuf Media Network Maxamed Ibraahim Sagax

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews