Madaxweyne Trump Oo Ugu Baaqay Ilhan Cumar Inay Iscasisho
February 13, 2019 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ilhan Cumar oo ka mid ah xisbiga Dimuqraadiga kana mid ah Aqalka Senatka ay is casisho sababo la xidhiidha ereyo Yuhuud naceyb ah oo ay ku qortay boggeeda Twitterka.
“Yuhuud Naceybku meelna kuma laha Congresska dalka Maraykanka.”ayuu yidhi Madaxweyne Trump oo isaga laftiisa hore loogu eedeeyay hadalo qadaf ku ah isirka iyo dadka laga tirada badan yahay.