Sucuudiga Oo Lagu Helay Fadeexad Kale Oo Gilgishay Qoyska Al-Sucuud
February 13, 2019 - Written by Berbera Today
Riyadh(Berberatoday.com)-Fadeexado hor leh ayaa ku soo baxay maamulka Aala sucuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sucuudiga loo yaqaan.
warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dawladda sucuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo ka tirsanaa dowladda Ingiriiska.
Warbixinta ayaa xaqiijisay in dawladda al-sucuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada Al-Sucuud.