Qaladka Ka Dhasha Far Qoraalka Dhakhaatiirtu Caadaysteen Oo Sababta Dhimashada(7000)Oo Ruux Sanad Kasta
February 14, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaladka ka dhasha far qoraalka dhakhaatiirta ayaa sanad walba dila 7,000 (todobo kun) oo qof sida ay sheegtay Hay’adda caafimaadka adduunka, (WHO) taasna waxaa sabab u ah farmashiilaha oo aanan fahmin qoraalka wixii ay la noqotana iska siiya bukaanka taasina ay keento caafimaad daro qofkii bukaanka ahaa kusii saayida oo sababi karta dhimasho deg deg ah.
Urur Caafimaadka Aduunka ayaa ku taliyay in dhakhtar kastaa qoro far qoraal cid kasta akhriyi karto oo fahmi karto si aanay daawo bixin khaldani udhicin.