Wasiirro Ka Soo Laabtay Socdaal Ay Ku Tageen Jabuuti
February 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo socdaal shaqo ku tagay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo weftiga hoggaaminayey ayaa sheegay in booqashadoodu ay ka dhalatay martiqaad ay ka heleen Dawladda Jabuuti, waxaanu sheegay si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey dalkaas.
