Xayawaan Aan La Arag Muddo 100 Sanno Ah Oo Markale La Arkay
February 16, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa markii ugu horeysay dib loo arkay xayawaan aan muddo 100 sanno ah lagu arag wadamada caalamka, isaga oo caan ku ahaa Qaaradan Afrika , sida lagu xusay warbixin kooban oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan.
Xayawaankan oo loo yaqaano Shabeelka Madow ayaa lagu arkay wadanka Kenya , iyada oo uu sawairo ka qaaday sawir qaade lagu magacaabo WILL Beirad-Lucas , waxaana sawiraddan laga qaaday degaanka Lakia , waxaana arrintani aad usoo jiidatay kooxaha xawayaanadka xanaaneeya oo sheegay in ay tahay arrintani fursad markale la helay.