“Dhaawac Ayaa Ina Soo Gaadhaya Haddii Doorashadu Mar Dambe Dib U Dhacdo”Ex Wasiir Cumar Yare
February 17, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Xisbiyada, Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Boorama lagu qabanayo iyo daynta 80-milyan ah ee la sheegay in Xukuumaddii hore ka tagtay.
Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn isagoo ka hadlya Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Wadanku geedi socod buu leeyahay, dadka meesha gaaban wax ka aragta ayey u muuqata kan la ficiltan iyo kan la ficiltan, laakiin xuquuqda iyo himilada wadanka ka maqan carqalad bay ku tahay joojinta la joojinayo Doorashada, qaran ahaana wax weyn baa inagaga xidhan, ee geedi socodkeena iyo dimuqraadiyadeena dhaawac weyn baa soo gaadhay haddii ay Doorashadu mar dambe dib inooga dhacdo, 160 iyo dheeraad baa iska soo sharaxaya, oo xuquuqdoodii lagu ciyaaraya, Doorashaduna waxay ka mid tahay xuquuqada uu qofku leeyahay, ee ninka leh Komishanka ha la kala diro, oo Komishankani Doorasho noo qaban maayo, si toos ah ha u caddeeyo wuxuu ku diidan yahay, wax alaale wax lagu diidan yahay Komishankan oo caddi ma jirto, ee Doorashada iyo geedi socodka Dimuqraadiyada ficilka ha laga daayo,oo wixii cadaalada daro ah ee laga sheeganayo Komishanka haddii ay jiraan si toos ah ha loo bandhigo, oo qodob qodob ha loo sheego, oo ha la yidhaahdo waxaas iyo waxaad ayaanan ku ogolaanaynin, ee malaa meel kale ayaa loo riman yahay, ee si ay Doorashadu inoogu qabsoonto wakhtigeeda ficilka ha la joojiyo”