berberatoday.com
Koox kubada Cagta Ciyaarta Oo Taariikhda Markii Uhoreysay Lagaga Badiyay 20 Gool Iyo Eber
February 18, 2019 - Written by Berbera Today

Italy(Berberatoday.com)-Haddii aad isleedahay kooxdaadu natiijo xun ayay keentay toddobaadkan bal marka hore fikir ka dibna fiiri waxa qabsaday kooxda Pro Piacenza.

Kooxdan oo ka dheesha horyaalka Serie C ee dalka Talyaaniga ayaa lagaga badiyay 20 iyo 0 – haa natiijadu waa saas labaatan iyo ebar, ka dib markii ay foodda is dareen kooxda ay xifaaltamaan ee Cuneo galinkii dambe ee Axaddii.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay 16-0 iyadoo ciyaartooy Hicham Kanis oo ka tirsan kooxda Cuneo uu dhaliyay lix gool nasashada ka horba, halka Edoardo Defendi oo isna dhaliye ah uu shabaqa kaga hubsaday shan gool.

Kooxdan oo hadda meesha ugu hoosaysa kaga jirta koobka heerka saddexaad waxaa haysta mashaakil dhaqaale.

Horay ayaa siddeed dhibcood looga jaray, waxaana la sheegay in ay ku guuldarraysteen in ay ciyaartoyda mushaar siiyaan tan iyo bishii Agoosto, taas oo horseeday in ay is casilaan inta badan ciyaartoydii heerka koobaad.

Waxay ku guuldaraysteen in ay dheelaan saddexdii kulan ee Axaddii ka horreeyay, haddii Cuneo aysan soo safanna tartanka Serie C ayaa laga eryi lahaa.

Kooxdan martida ah ayay u suuragashay in ay safaan ciyaartoy ku filan in kulanku qabsoomo, balse nasiib darro taas ayaa ka dhigan in ay ciyaarta ku billaabeen toddobo ruux oo lix ka mid ah aysan labaatan sano gaadhin.

Tababare lama socon sidaas daraadeedna Nicola Cirigliano oo 18 jir ah kabtanna u ahaa ayaa doorka tababarenimo ku darsaday.

Hal ciyaartoy ayaa gadaal kaga soo biiray ka dib markii uu soo helay aqoonsigiisii.

Cuneo ayaa 18 gool oo kali ah dhalisay 24 kulan oo ay dheeleen ka hor ciyaartii Axaddii, balse tiradaas ayay labo jibaareen ka dib sagaashan daqiiqo oo aan caadi ahayn.

Dhaqaale xumida haysa kooxda Pro Piacenza ayaa horseeday in ay wajahaan Guddiga Maamuma Kubadda ee Talyaaniga, 11 bisha Maarso ayaana go’aan laga gaari doonaa.

Gudoomiyaha Guddiga Kubadda Cagta Talyaaniga Gabriele Gravina ayaa natiijadii Axaddii ku tilmaamay “cay u soo hoyatay ciyaaraha”.

 

“Arrin layaabka leh ayaa dhacday, xiriirka kubadda ee FIGS waa in uu dhaqan galiyaa dhammaan sharciyada u yaalla,” ayuu yidhi

“Msuuliyadda nadu waa in aad badbaadinaa, raqbada taageerayaasha, hal abuurka caafimaadka qaba iyo sumcadda koobka.” ayuu intaas ku daray Gabriele.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews