Madaxwaynihii Hore Ee Dawklada Xamar Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Kenya Iyo Somaliya Ka Dhex Qarxay
February 18, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa soo dhoweynayay mowqifka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka jawaabida cabashada Kenya, isagoo adkeeyay in Soomaaliya xaq u leedahay gacan ku heynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduudaheeda iyo kheyraadka ku jira.
“Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7-dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan baddaha dalkeena”ayuu ku yidhi Xasan Sheekh.