Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Oo Looga Yeedhay Baarlamaanka Dalkaasi
February 19, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Baarlamaanka dalka Kenya ayaa u yeedhay wasiirka arrimaha dibadda Kenya haweeneyda lagu magaacabo Moniko Jumo si wax looga weydiiyo xidhiidhka dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah dalka Kenya, Moniko Jumaayaa la filayaa inay maanta hor-tagto Barlamaanka dalkaasi, si ay Xildhibaanadda wax uga weydiiyaan Khilaafka Somalia iyo Kenya iyo waxa sababay in loo yeero Safiirka Kenya u joogay dalka Somalia, Lukas Tumbo.