Al Shabaab Oo Weerartay Ciidamo Itoobiyan Ah Iyo Tirada Dhimashada
February 20, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wararka laga helayo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka laba qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo marayay bartamaha magaaladaas.
Dad ku sugan Baardheere ayaa BBC-da u sheegay in ciidammada oo lugaynaya wado dhex marta magaalada lagu qarxiyay labo miino.
Waxaa ay intaa ku dareen inay arkeen askar dhiig ka baxayo oo goobta laga qaadayo balse aanay kala saarin karin haddii dhimasho ama dhaawac ay yihiin.
Hal qof oo rayid ah ayaa dhintay afar kalena way dhaawacmeen oo labo kamid ah yihiin dumar kuwaa oo ka ag dhawaa halka ay qaraxyadu ka dhaceen.