Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta U Dhoofay Dalka Itoobiya+Daawo Sawirada
February 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, waxana ujeeddooyinka kulamadaas faah-faahin ka siiyey saxaafadda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon