Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Diiday Inuu Kulan La Yeesho Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdillai Farmaajo
February 20, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Wararka Kasoo baxaya Safarkii Madaxweyne Somaliland ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi diiday hindise Dawladaha itoobiya. Eriteria Iyo Jabuuti dabada ka riixaysay oo la xidhiidha inay Kulan gooniya wada yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweynaha dawlada Xamar Maxamed Cabdillahi Farmaajo kulankaas oo la doonayo inuu Madaxweynaha dawlada Xamar isku dayo inuu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlo qaabka iyo qorshaha wada hadalada loo galayo iyo inuu isku dayo xodxodasho aan suurgal ahayn,