Madaxweyne Trump Oo Dalka Maraykanka Ka Hor Istaagay Gabadh Dawladda Islaamka Ku Biirtay
February 21, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay.
Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo “in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka”
