Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Dr Maxamed Rashiid Oo Caawa Ku Geeriooday Magaalada Hargaysa.
February 22, 2019 - Written by admin
Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen: 21/02/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku hadlaya magaca dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 21/02/2019, Magaalada Hargeysa.