berberatoday.com
Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Saaxiibkii Axmed Siciid Cige Oo Taariikhdiisa Ka Waramay
February 22, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Illaahay ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa xalay ku geeriyooday wariyihii hore ee BBC Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan.

Maxamed-Rashiid oo muddooyinkii dambe xannuunsanaa ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa Jamhuriyada Somaliland oo uu Waaydan Danbe Ku noolaa.

Marxuumku Wuxuu ku dhashay magaalada Borama ee Xarunta Gobnolka Awdal sannadkii 1946-kii, waxbarashada dugsiga hoose iyo ta dhexena wuxuu ku qaatay magaalada Awaare ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ka dibna dugsiga sare ee Sheekh ayuu ka baxay,” sida uu BBC-da u sheegay Axmed Siciid Cige oo ay BBC-da ka soo wada shaqeeyeen ka dibna ay rafiiq sii ahaayeen.

Maxamed-rashiid ayaa tacliinta sare ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Britain isaga oo shahaadada ugu sarraysa jaamacadda ee PHD qaatay, sida uu Axmed ka soo xigtay marxuumka.

Marka laga soo tago barnaamij soo saarihii uu ka noqday BBC-da meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa, bangiga ganacsiga ee magaalada Buro.

Sannadkii 2010-kii ayuu u tartamay madaxweyne ku xigeenka Somaliland isaga oo u taagnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID, balse kuma uusan guulaysan.

Isla sannadkaasna Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u magacaabay lataliye dhanka ictiraaf raadinta ah.

Sannadkii xigay ee 2011-kiina wuxuu noqday wasiiru dawlihii arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warihii hore ee BBC Axmed Siciid Cige oo ay aad isugu dhawaayeen ayaa sheegay in lagu xasuusto in uu ahaa nin aad u naxariis badan oo af gaaban, masaakiintana u naxariista.

Marxuum Maxamed-rashiid ayaa ahaa qoraa buugaa Ag Ingiriisi Iyo Somaliba ku qoran  waxa kaloo uu ahaa cilmi baadhe sare Reasercher.

Sidoo kale Marxuum Maxamed-rashiid Sheekh Xasan Waxa uu ahaa 1989kii 17kii bishii Julay weriyihii Idaacada BBC-da ee magaalada Mugadisho. Waxa uu qarsoodi kaga baxay magaalada muqdisho. Ka dibna Waxa uu idaacada BBC-da iyo warbaahinta caalamka u xaqiijiyay in 47 oo ka soo jeeda Somaliland lagu xasuuqay Xeebta Jaziira waxaanu warbixinta xasuuqaas uu klu baahiyay warbaahinta caalamka oo dhan.

“Illaahay ha u nasaxiirto Maxamed-Rashiid, qoyskiisiina Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Cige oo ka tacsiyaynaya geeridan naxdinta leh.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews