Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdillahi Farmaajo Oo Dalka Masar Safar Kutagay Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
February 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo berri ka furmaya magaalada Sharma El-Sheikh.
Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.