Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Warqadii Iscasilaada Madaxweynaha U Gudbiyey?
February 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guugulaha geeska oo ah bog dhexe oo lagu daabaco wargeyska Geeska Afrika oo kasoo baxa magaalada hargeysa ayaa saaka sheegay in wasiir ka tirsan xukumadda somaliland uu warqadii is-casilada u gudbiyay madaxweyne BIIXI
Wargeysku wuxu qoray in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Yusuf Ismaaciil uu madaxweynaha somaliland uu u gudbiyay warqadii shaqo ka tagista, isagoo sabab uga dhigay inuu xanuusanayo isla markaana loo baahan yahay inuu nasto.