Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Oo Tareen Ku Tagaya Dalka Vietnam Iyo Ujeedada Safarkiisa
February 24, 2019 - Written by admin
Kuuriya(Berberatoday.com)-Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hogaamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump.
Warbixinn lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.
