“Gudoomiyayaasha Xisbiyadu Runtii Waxaynu Odhan Karaynaa Waa Mulkiilayaasha Iska Leh Xisbiyada, Oo Aan Xamili Karin…Cali Guray. “
February 25, 2019 - Written by admin
“Anigu Waxan Qabaa In La Gaadhay Xiligii Laga Tashan lahaa Wax ka Bedelka Xisbiyada Siyaasadda Si Loo Hormariyo Oo la Gaadhsiiyo Inay Noqdaan xisbiyo Siyaasadeed Oo Aan Ahayn Xisbiyo Reero Iyo Xisbiyo Shakhsi”
XISBIYADA SIYAASADDA: Jiilkii 1aad Iiaa jiilkii 1aad
Wuxu yidhi; Ma Kortadii Ma La Korinayaa! Allay lehe xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ayaa ka dhigan oo 20 sanadood in ku dhaw aan ka gudbin Jiilki Koobaad (first generation) ee ay ku Bilaabmeen. Markii sadexdii xisbi ee ugu horeeyay ay ku soo Baxeen doorashadii Golayaasha Degamada 2003dii telifoonada Gacanta ama software-kooduba wuxu marayay jiilkii 2aad (G2) maanta waxa la marayaa jiilkii shanaad (G5) inta u dhaxaysa G2 iyo G5-na waynu ognahay.