Millateriga Maraykanka Oo Ka Warramay Afar Duqeymo Ay Ku Fuliyeen Gudaha Dalka Somaliya Iyo Tiro Sartaakiisha Alshabaaba Oo Ku Dhintay
February 25, 2019 - Written by admin
Somalia(Berberatoday.com)-Millateriga Maraykanka, ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya shalay oo ku beegnayd 23-kii bishan Febraayo ee aynu ku jirno.
Marayanku, wuxuu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.
Sidoo kale, Millateriga Maraykanku sheegay in laba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan.