Qof Af Duubtay Diyaarad Dubai U Socotay Oo Toogasho Lagu Dilay
February 25, 2019 - Written by admin
Bangladesh(Berberatoday.com)-Qof rakaab ah oo looga shakiyay in uu isku dayay in uu af duubto diyaarad ukala duulaysay Bangladesh iyo Dubai ayay toogasho ku dileen ciidammada sida khaas ah u tababaran ee Bangladesh, sida ay warbaahinta guduhu ku warrantay.
Qofka laga shakisan yahay oo la sheegay in uu ku goodiyay in uu bistoolad Sito ayaa la dilay ka dib markii laamaha ammaanku ay si degdeg ah hawlagan u filiyeen sidaadii ay diyaaraddu si degdeg ah cago dhigatay Chittagong.
