berberatoday.com
Maareeyaha Wakaalada Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Oo Shir Caalamiya Kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka Iyo Nuxurka Kulamo U La Qaatay Ururka Qaramada Midoobay Uqaabilsan Baddaha+Daawo Sawirada
February 26, 2019 - Written by admin
Hemburg(Berberatoday.com)-)-Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland  Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa dalka Jarmalka kaga qaybgalay Shir Caalamiya, oo ay iskugu yimaadeen Masuuliyinta Dekedaha Waawayn ee dunida, Madaxda Shirkadaha Container Lines-ka Iyo ururka Badaha Caalamka, IMO iyo madax kaloo ka socota Shirkadaha   Caalamiga ah ee Ka Hawl gala Dekedaha Waawayn daafaha Aduunka.
Shirkan oo ahaa mid heer caalamiya, ayaa ka dhacay Magaalada Hemburg ee Waqooyiga dalka Jarmalka. Waxana lagu lafo-guray arrimo badan, oo ku saabsan mustaqbalka adeegyada Dekedduhu bixiyaan sidii loo horumarin lahaa,iyo weliba Istaraajiyad Cusub oo halkaa Lagu shaxeeyey.
Sidoo kale waxa shirka isku dhex bartay in ka badan 200, oo Masuul oo ka kala socday Waddamo Kala duwan, kuwasoo mid waliba dhinaciisa halkaa kusoo bandhigay fikiro horumarineed ee Dekeddiisi iyo himiladeeda.
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa halkaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo hoosta ka xariiqay higsiga iyo casharada uu halkaa kasoo korodhsaday. Muhiimada shirkan ay kasoo Faaiday  Somaliland, ayaa ah inay soo samaysay xidhiidh caalamiya iyo saaxibo horleh oo dhinacaya Dekeddaha ah.
Waxa kaloo shirka kasoo qaybgalay saraakiil sar-sare oo ka socday ururka Qaramada midoobay  u qaabilsan baddaha, kuwasoo kulan xaasa la yeshay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi.
Maareye Siciid Xasan Cabdillahi oo faahfaahin Ka Bixinaya Shirkaas uu ka qeyb galay iyo waxyaabihii lagaga Hadlaayay ayaa qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay ayaa waxa uu Yidhi”
“Waxaan dalka Jarmalka gaar ahaan Magaalada Dekedda ugu Weyn ku taalo ee Hamburg kaga qaybgalay Shir Caalamiya (Greentech in Shipping Global Forum) oo ay iskugu yimaadeen Masuuliyiinta Dekedaha Waawayn ee dunida, Madaxda Shirkadaha Shipping Lines-ka Iyo ururka Badaha Caalamka iyo IMO UN.
Wuxuu ahaa Shir Hay’ad Deked ahaan iyo Qaran ahaan ba Faa’iido weyn inoo leh, waxaannu Xidhiidh wanaagsan la samaynay Shirkadaha ugu Waa weyn Dhinaca Maraakiibta oo aannu u balan-qaadnay in Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Balaadhin iyo Casriyeyn lagu samayn doono. Sannadka 2020 Dekeddu diyaar u tahay in ay fuliso adeegyadda ay bixiyaan Dekedaha Aduunka ugu casrisani.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews