Madaxweyne Muuse Biixi Oo Amar Culus Kasoo Saaray Basaska Ardayda Yaryar Qaada Ee Xawaaraha Sare Ku Socda
February 26, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Amray in tallaabo laga qaado Wadayaasha Gaadiidka Basaska gaar ahaana kuwa Ardayda qaada ee u socda sida mas’uuliyad darrada ah.
Amarka madaxweynaha ayaa yimi kadib markii uu maanta Geeriyooday Maxamed Faarax Maxamed, oo ahaa wiil yar oo Baskii siday shil kula galay suuqa Hargeysa.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay Ehelada marxuumkaasi ka baxay.