Daawo Muuqalka”Pakistan Oo Soo Ridday Diyaarado Ay Dalka Hindiya
February 27, 2019 - Written by admin
Pakistan(Berberatoday.com)-Pakistan ayaa sheegtay in ciidamadadeed ay maanta soo rideen laba diyaarad dagaal oo India ay leedahay, kuwaas oo soo galay xuduudeeda dhulka lagu muransan yahay ee Kashmir.
Major General Asif Ghafoor oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay mid ka mid ah duuliyayaashii diyaradaha kadib markii diyaaraddiisa ay kusoo dhacday qeybta Pakistan ay maamusho ee Kashmir.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay India oo ku saabsan sheegashada Pakistan inkasta oo warbaahinta India ay ilo-wareedyo militari kasoo xigteen in wax duuliye ah uusan ka maqneyn India.