Madaxweyne Farmaajo Iyo Amiirka Dowladda Qatar Maxay Ka Wada Hadleen”Daawo Sawirada
February 27, 2019 - Written by admin
Doha(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.
