Booliska Nairobi Oo Xabsiga Utaxaabay Haween Somaliyeed Oo Gabadh 15 Jir Ah Ku Dilay Islii
   February 28, 2019 - Written by admin
       
       
   
    
Nairobi(Berberatoday.com)-Booliska magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay afar haween oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xirdhiidhinayo dil gabadh 15-jir aheyd loogu geestay xaafada Isliii magaalada Nairobi
     
 
     
Dadka la xidhay ayaa waxaa ka mid ah gabadha la dilay eedadeed  oo 28 jir ah oo lagu magacaabo Nadiifa Maxamed taasi oo ka soo muuqatay maxkamada Makara isniintii la soo dhaafay.
Dhanka kale garsoorka ayaa u ogolaaday  ciidanka amniga kenya in xabsiga ay ku sii hayaan haweeneydaan mudo afar iyo toban maalmood ah si loo soo dhamaystiro baadhitaankeeda kiiska loo haysto eedeysanayaasha kala ah Baxsan Cabdi salaad Raxma cali cabdi iyo xaawa ibraahim salaada ayaa loo madlan yahay in ay ka sop muuqdaan khamiista Berito.4