Daawo Muuqalka”Baashe Cawil Morgan Oo Wali Hawlihii Safaarada Imaaraatka Gacanta Kuhaya Xafladii Maanta Ee Dhagax Dhigana Maamulanaayay
February 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Bashe Cawil Cumar Morgan oo hadda ah Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya horena u ahaa Wakiilkii Somaliland ee Dalka Isutaga Imaaratka uu Ka Dhigay Sodogii Axmed Siilanyo ayaa Madaxweyne Muuse Biixi uu bilawgii xukumadiisa ka Bedelay Wakiilnimadii Dalka Isutaga Imaaraatka ee uu ahaa isaga oo Madaxweyne Muuse Biixi Ubedelay Wakiilka Dalka Kenya ee Somaliland uu ilaa hada Yahay Baashe.
Baashe Cawil Morgan oo awood badan kulahaa Xukumadii sodogii Axmed Siilanyo ayaa markii xilkaas Imaaraatka laga bedelay la moodayay in awoodiisii Daciiftay hase yeeshee hadaaba miciyo dhaadher la soo baxay waxaanu umuuqdaa in arinkiisu yahay Siri Daari waxaanu ilaa hada dadihinaya shaqadii Safaarada Imaaraatka ee laga bedelay wakhti hore waxaanu wakhti tira badan uu siyaabo kala duwann uu Dekeda Berbera iyo Dhismaha Saldhiga Ciidan ee Berbera laga wado uu keenay weftiyo kala dandanbeeyay oo ak socday dalka Isutaga Imaaraatka iyo Shirkada DP World halka aan marna meel uu marayo aan la arag Safiirka hadda ku magacaaban Dalka Isuatag Imaaratka Carabta ee Somaliland Xasan Hirad Yasin.