berberatoday.com
Qarax Dad Badani Ku Nafwayeen Oo Muqdisho Ka Dhacay Imika
February 28, 2019 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga.

Gaari labaad ayaa yaala goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay uu ka dhacay caawa, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday inay goobta dhaawacyada ka qaadaan, maadaama shaki kale uu jiro.

Dad badan ayaa ku go’doonsan dhismayaal goobta ku yaala, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay dhismayasha oo qaarkood la sheegay inay ku dumeen.

Marka qaraxa uu dhacayay aad ayay mashquul ua heyd goobta, waxaana socday baaritaanka gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Dabka.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee soo baxaya, ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacaba ay kordheen.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu ka badnaan karo intaas, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira khasaaraha.

Qaraxyada ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa ahaa laba qarax oo ay u dhaxeysay ugu yaraan saacad iyo bar, waxaana sidoo kale jira rasaas xooggan iyo weerar ay qaadeen koox Shabaab ah.

Dadka ugu badan ee waxyeelado soo gaartay oo Shacab maraayay wadada kuwaasoo Qaarkood ay Saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha.

 

Sources Caasimada Online

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews