Xildhibaan Xuseen Cige Oo Madaxweynaha Ku Dhaliilay Inuu Qaybinayo Shacbiga Somaliland
February 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah xildhibaanada Golaha wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu si gaar ah u dhaliilay nidaamka hogaamineed ee Madaxweynaha.
Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo, weynu ogeyn inay iyadu sabab u ahayd dhibaatooyinka dalka ka taagan, sida sicir bararka, maceeshada qaaliga ah, boobka hantida umadda, sumcadii Somaliland Caalamku ku lahayd oo hoos u dhac ku yimid iyo maamulkii Hawada oo lala wareegay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddana ilaa hadda waxba kamay qaban, oo dhabihii ay Xukuumaddii hore martay ayey iyana martay”.