Siyaasi Duur Oo Buuxiyay Booskii Xisbiga Wadani Baneeyay Ee Ka Qaybgalka Munaasibadii Dhagax Dhiga Wadadda Berbera Corridor Iyo Dareenada Ka Dhashay!!
March 1, 2019 - Written by Berbera Today
SAWIRKA TODOBAADKA Iyo Siyaasi Duur Oo Ka faa,Iidaytay Fursad Xisbiga Wadani Lumiyeen Oo Shacabka Somaliland Isha Ku Hayeen Ee ka Qaybgalka Munaasibad Qaran oo Lagu Dhagax Dhigayay Jidka Isku Xidha Somalilaand iyo Itoobiya Berbera Corridor!
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musaabida Dhagax dhiga jidka isku xidha somaliland iyo Itoobiya ee Berbera Corridor oo ay kasoo qaybgaleen wufuud kala socotay Dawladaha Eraamaadka Carabka iyo Itoobiya isla Markaana ay goob joog ka Ahaayeen Madaxwaynaha Somaliland iyo Madaxda asxaabta Qaranka somaliland ayaa waxaa fursadii uu lumiyay Xisbiga maraacidka ah ee wadani ayaa Taa Badalkeedii goobta loogu talo galay Xisbiga wadani Waxaa buuxiyay siyaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo kamida Saraakiisha Sar sare ee Xisbiga.