Al-Shabaab Oo Sheegtay In Ay Gantaal Ku Dhufteen Diyaarad Sahay U Sidday Ciidamada Uganda Ee Ku Sugan Somaliya.
March 1, 2019 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen xero ciidamada dalka Uganda ee Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab, Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay gantaal ku dhufteen diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda.
Abu Muscab ayaa sheegay markii weerarka uu billowday ay diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ay isku dayday inay kacdo hase yeeshee markii gantaal uu ku dhacay ay dib u degtay.
Waxa uu intaas ku daray in qiiq badan uu ka baxay diyaaradda, islamarkaana ay u maleynayaan inay gubatay ama ay gaartay waxyeello xooggan oo ay ku awoodi weysay inay dib ugu kacdo.