Puntland”Maxkamada Gobolka Nugaal Oo Xukun Dil Ah Ku Xukuntay Dhalinyaro Kufsi Wadareed Iyo Dil Ugu Geystay Gabadh Gaalkacayo Ku Noolayd
March 2, 2019 - Written by admin
Maxkamada derejada 1aad ee gobolka Nugaal-Garoowe
Garoowe(Berberatoday.com)-Maxkamada sare ee Puntland ayaa amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo 5 nin oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa in ay magaalada Galkacayo ka gaysteen kufsi wadareed 22kii bishii febraayo ee sanadkan.
Maxamed Xareed Faarax oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in 5ta nin maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah iyadoo loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
wuxuu sheegay in 4 ka mid ah dhalinyarada laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka 5aad laga soo qabtay Galkacayo. Waxaa uu intaa ku daray ay dhalinyaradu qiraal ku yihiin dambiga ay galeen