Mulkiilaha Hutelka Maka Al Mukarama Oo Ka Hadlay Khasaarihii Kasoo Gaadhay Qaraxyadii!
March 3, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hotel Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay khasaarihii kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab habeenkii Jimcaha ku qaadeen Hotelo ku yaala wadada Maka Al Mukrama.
Guray Xaaji oo ah mulkiilaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaro xoogan uu soo gaaray dhismaha Hotelka, oo ay degenaayeen Masuuliyiin kala duwan, isaga oo sheegay in khasaaraha nafeed uu ka yaraa kuwii hore.
Wuxuu sheegay in khasaaraha ugu badan uu gaaray qolasha xigay dhanka uu weerarka ka dhacay, wuxuuna cadeeyay ineysan niyad jibin doonin weerarada Al Shabaab ay la eegtaan hotelkiisa.