Nin Baadhay Xogta Facebook Xaaskiisa Oo Maxkamadi Xukuntay Dalka Talyaaniga
March 3, 2019 - Written by admin
Italy(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla Talyaaniga ayaa lacag dhan 6650 dollar ku xukuntay nin baadhay ( qishay) Face Book-ga xaaskiisa.
Sida uu Daabacay wergeyska Geeska Afrika ninka ayaa hinaasay kadibna helay Password-ka Face Book-ga xaaskiisa isagoo baadhay rag ay macluumaad is-dhaafsadeen kadibna Maxkamadda ayuu tegay si uu Gabadha u furo.
Macluumaadka raggii ay hadalada isdhaafsadeen gabadha ayuu caddayn ahaan Maxkmadda u geeyay laakiin isagii ayaa lagu yidhi xaggee ka heshay xogtan.
Aakhirkii isagii ayaa la xukumay iyadoo lagu soo eedeeyay in uu galay oo uu baadhay xogta qof kale isagoo aan Ogolaansho ka haysan.